Soo dhowaw Walaal Halkan waxaan kusoo gudbiyaa taariikh,warbixino,dhacdooyin,qisooyin iyo waxyaalaha xilligaas caalamka ka taagan ee ay tahay in bulshada loo soo gudbiyo waxaan kaa codsanayaa inaad nagu soo biirto
Marka hore waan ku salaamay sxb/wll Asc, Marka xiga waxaan kuugu hambalyaynayaa in aynu gaarnay 40k oo Akhyaar ah.
Marka aynu intaa ka gudubno sanadkii maalin dhowayd biloowday ee 2025ka waxaa ka dhiman kaliya 3 bilood iyo dhawr maalin.
In badan oo inaga mid ahi sanadkan biloowgiisii waxay degsadeen qoryashaal nololeed oo waxbarasho, shaqo caafimaad iwm, balse waxaa yar inta ku socota qorsha yaashii ay degsadeen, dadkaasi aan qorshahoodi ku socon waxaa kamida Aniga
Mid kamida qorshayaashii aan lahaa sanadkan balse aan ka mashquulay ama aan ka caajisay waxa uu ahaa inaan si joogto ah muuqaalo usoo galiyo barteenan youtube-ka Balse xoogaa safaro aan galay iyo caajis dhankayga ah ayaa keenay in uu qorshahaasi sidii aan u qorsheeyay aanu u fulin
Balse hada oo ay sanadkii ka harsantahay 3 bilood oo ah 1/4 ama afar meelood meel kamida sanadka, waxaan go’aan ku gaaray inaan qorshahaasi ka dhabeeyo oo youtube channelka aan si serious ah u qaato.
Marka qorshahayga 3da bilood ee hartay waa in aan muuqaal soo galiyo barteenan youtubeka 2 ama 3 maalin oo walba si joogto ah oo aan kala g’o lahayn, insha Allah
runtii waa arin adag marka laga eego dhanka shaqada adag ee laga maro muuqaal samaynta iyo raadinta xogo iyo taariikho sax ah oo uu daawaduhu wax ka faaiidi karo
balse go’aankani waa mid muhiim ah oo ay tahay inaan fuliyo, waana wax wanaagsan in aad qorshayaashaada aad ka dhabayso
Sababta aan idiinkula wadaagayo qoraalkan waa inaad igula xisaabtantaan hadii aan gooyo oo aad qoorta igu soo dhegtaan 😂
Marka sidaas ayaa inoo balan ah hadii uu Eebe wayne idmo
adiguna commentiga nagula wadaag qorshe aad rabto in aad mudada 3da bil ah ee soo socota aad xooga saarto hadii uu guuluhu idmo
Muxsin Bashir
Asc sxbyaal, aad baan idiin salaamay maanta waxaan jeclaystay inaan ogaado arangtidiina ku saabsan muuqaalada aan soo galiyo barteena, maxaad jeclaan lahayd inaan kusoo daro, maxaad jeclaan lahayd inaan bedelo, maxaad is leedahay waa ok halkiisa ka sii wad, muqaalo noocee ah ayaad jeclaan lahayd inaan soo badiyo? Iyo dhamaan aragtiyahiina ku saabsan chanelka ila wadaaga si aan u ogaado fikradihiina, mahadsanidiin
2 months ago | [YT] | 260
View 67 replies
Muxsin Bashir
Asc, Waan idin salaamay Akhyaarta qiimaha badan, sxbyaal waxaan jeclaystay inaan ogaado aragtidiina ku aadan muuqalada chanelkeenan kusoo gudbiyo iyo muuqaalada aad jeclaan lahaydeen inaan inta badan soo gudbiyo ama aan xooga saaro, hadii aad doorashada ka waydo arin aad jeclaan lahayd inaan kasoo hadlo ama xooga saaro, commentiga nagula wadaag
2 months ago | [YT] | 183
View 32 replies
Muxsin Bashir
90 Days Challenge
Marka hore waan ku salaamay sxb/wll Asc,
Marka xiga waxaan kuugu hambalyaynayaa in aynu gaarnay 40k oo Akhyaar ah.
Marka aynu intaa ka gudubno sanadkii maalin dhowayd biloowday ee 2025ka waxaa ka dhiman kaliya 3 bilood iyo dhawr maalin.
In badan oo inaga mid ahi sanadkan biloowgiisii waxay degsadeen qoryashaal nololeed oo waxbarasho, shaqo caafimaad iwm, balse waxaa yar inta ku socota qorsha yaashii ay degsadeen, dadkaasi aan qorshahoodi ku socon waxaa kamida Aniga
Mid kamida qorshayaashii aan lahaa sanadkan balse aan ka mashquulay ama aan ka caajisay waxa uu ahaa inaan si joogto ah muuqaalo usoo galiyo barteenan youtube-ka
Balse xoogaa safaro aan galay iyo caajis dhankayga ah ayaa keenay in uu qorshahaasi sidii aan u qorsheeyay aanu u fulin
Balse hada oo ay sanadkii ka harsantahay 3 bilood oo ah 1/4 ama afar meelood meel kamida sanadka, waxaan go’aan ku gaaray inaan qorshahaasi ka dhabeeyo oo youtube channelka aan si serious ah u qaato.
Marka qorshahayga 3da bilood ee hartay waa in aan muuqaal soo galiyo barteenan youtubeka 2 ama 3 maalin oo walba si joogto ah oo aan kala g’o lahayn, insha Allah
runtii waa arin adag marka laga eego dhanka shaqada adag ee laga maro muuqaal samaynta iyo raadinta xogo iyo taariikho sax ah oo uu daawaduhu wax ka faaiidi karo
balse go’aankani waa mid muhiim ah oo ay tahay inaan fuliyo, waana wax wanaagsan in aad qorshayaashaada aad ka dhabayso
Sababta aan idiinkula wadaagayo qoraalkan waa inaad igula xisaabtantaan hadii aan gooyo oo aad qoorta igu soo dhegtaan 😂
Marka sidaas ayaa inoo balan ah hadii uu Eebe wayne idmo
adiguna commentiga nagula wadaag qorshe aad rabto in aad mudada 3da bil ah ee soo socota aad xooga saarto hadii uu guuluhu idmo
2 months ago | [YT] | 531
View 32 replies
Muxsin Bashir
Waayadan dambe waxaa dunida caadi ka noqotay in qofku uu hal shay barto shaygaasi kaliyana uu ku ekaado tusaale: qofka dhigtay computer science (Cilmiga kambayuutarka) waxa macquul ah in uusan waxba ka aqoon siyaasada iyo dhaqaalaha ama qofka dhigtay caafimaadku aanu waxba ka aqoon Accounting-ka(Xisaabinta), balse xilliyadii hore xaalku sidan waa uu ka duwanaa, waxa jira eray ingiriis ah oo la yiraahdo "polymath" ama barashada waxbadan, Casrigii dahabiga ahaa ee islaamka waxaa jiray rag badan oo Culimo muslimiin ah oo yaqaanay Cilmiyo badan oo kala duwan, sida caalimkii Al-Biruni oo wax ka yaqaanay Diinta gaar ahaana fiqiga sidoo kale, cilmi falaga, fiisigiska, xisaabta, taariikhda, anthropology(cilmiga barashada Aadanaha) iyo luuqadaha waxa uu yaqaanay ilaa dhawr af oo kala ah: khawaarismiyaan, faarisi, carabi, Sanskrit, giriig, hibruu(afka yuhuda) iyo Syriac.
sidoo kale waxaa jiray caalimkii kale ee Ibnu siinaa oo wax ka yaqaanay, Diinta, cilmiga caafimaadka isaga oo laguna naanayso aabaha cilmiga caafimaadka ee casriga ah sidoo kale waxa uu yaqaanay fiisigiska, falsafada, xisaabta, gabayada, cilmu nafsiga, juqraafiga iyo waxyaalo kale oo badan.
sidoo kale waxaa jiray caalimkii Al-khawaarismi oo isaguna wax ka yaqaanay Diinta, Xisaabta: waana aabaha xisaabta Al gebrada, sidoo kale waxa uu wax ka yaqaanay cilmi falaga, juqraafiga iyo luuqadaha. waxaa jira rag badan oo kale oo lamid ahaa ragan oo sidooda cilmiyo badan oo kala duwan yaqaanay sida, Cabaas ibnu firnas, Ibn Rushd, Ibn al-Haytham, Ibn Khaldun iyo qaar kale oo badan. halkan waxaynu ka arki karnaa in qofku uu barankaro waxyaalo badan oo kala duwan iyada oo ay macquul tahay inuu shay gooni ah xooga saaro, marka maskaxdaada qol yar oo ciriiri ah ha gelin ee dhex dabaalo badwaynta cilmiga oo intii aad awoodo ka baro wixii ay doonaanba ha ahaadeene, marnaba laguma khasaaro cilmi la bartay
3 months ago | [YT] | 263
View 8 replies
Muxsin Bashir
Farzad
3 months ago | [YT] | 14
View 1 reply
Muxsin Bashir
Sirta mugdiga ah ee ka dambaysa shiicanimada Iran
3 months ago | [YT] | 7
View 0 replies
Muxsin Bashir
Maxaa ka socda indonesia??
3 months ago | [YT] | 17
View 0 replies
Muxsin Bashir
Fieldel Castro
3 months ago | [YT] | 3
View 0 replies
Muxsin Bashir
Burcad badeeda soomaalida 🏴☠️
3 months ago | [YT] | 10
View 0 replies
Muxsin Bashir
Maxaa sababay burburka shirkadii NOKIA??
3 months ago | [YT] | 16
View 0 replies
Load more