Muxsin Bashir
Waayadan dambe waxaa dunida caadi ka noqotay in qofku uu hal shay barto shaygaasi kaliyana uu ku ekaado tusaale: qofka dhigtay computer science (Cilmiga kambayuutarka) waxa macquul ah in uusan waxba ka aqoon siyaasada iyo dhaqaalaha ama qofka dhigtay caafimaadku aanu waxba ka aqoon Accounting-ka(Xisaabinta), balse xilliyadii hore xaalku sidan waa uu ka duwanaa, waxa jira eray ingiriis ah oo la yiraahdo "polymath" ama barashada waxbadan, Casrigii dahabiga ahaa ee islaamka waxaa jiray rag badan oo Culimo muslimiin ah oo yaqaanay Cilmiyo badan oo kala duwan, sida caalimkii Al-Biruni oo wax ka yaqaanay Diinta gaar ahaana fiqiga sidoo kale, cilmi falaga, fiisigiska, xisaabta, taariikhda, anthropology(cilmiga barashada Aadanaha) iyo luuqadaha waxa uu yaqaanay ilaa dhawr af oo kala ah: khawaarismiyaan, faarisi, carabi, Sanskrit, giriig, hibruu(afka yuhuda) iyo Syriac. sidoo kale waxaa jiray caalimkii kale ee Ibnu siinaa oo wax ka yaqaanay, Diinta, cilmiga caafimaadka isaga oo laguna naanayso aabaha cilmiga caafimaadka ee casriga ah sidoo kale waxa uu yaqaanay fiisigiska, falsafada, xisaabta, gabayada, cilmu nafsiga, juqraafiga iyo waxyaalo kale oo badan. sidoo kale waxaa jiray caalimkii Al-khawaarismi oo isaguna wax ka yaqaanay Diinta, Xisaabta: waana aabaha xisaabta Al gebrada, sidoo kale waxa uu wax ka yaqaanay cilmi falaga, juqraafiga iyo luuqadaha. waxaa jira rag badan oo kale oo lamid ahaa ragan oo sidooda cilmiyo badan oo kala duwan yaqaanay sida, Cabaas ibnu firnas, Ibn Rushd, Ibn al-Haytham, Ibn Khaldun iyo qaar kale oo badan. halkan waxaynu ka arki karnaa in qofku uu barankaro waxyaalo badan oo kala duwan iyada oo ay macquul tahay inuu shay gooni ah xooga saaro, marka maskaxdaada qol yar oo ciriiri ah ha gelin ee dhex dabaalo badwaynta cilmiga oo intii aad awoodo ka baro wixii ay doonaanba ha ahaadeene, marnaba laguma khasaaro cilmi la bartay
3 months ago | [YT] | 263
Muxsin Bashir
Waayadan dambe waxaa dunida caadi ka noqotay in qofku uu hal shay barto shaygaasi kaliyana uu ku ekaado tusaale: qofka dhigtay computer science (Cilmiga kambayuutarka) waxa macquul ah in uusan waxba ka aqoon siyaasada iyo dhaqaalaha ama qofka dhigtay caafimaadku aanu waxba ka aqoon Accounting-ka(Xisaabinta), balse xilliyadii hore xaalku sidan waa uu ka duwanaa, waxa jira eray ingiriis ah oo la yiraahdo "polymath" ama barashada waxbadan, Casrigii dahabiga ahaa ee islaamka waxaa jiray rag badan oo Culimo muslimiin ah oo yaqaanay Cilmiyo badan oo kala duwan, sida caalimkii Al-Biruni oo wax ka yaqaanay Diinta gaar ahaana fiqiga sidoo kale, cilmi falaga, fiisigiska, xisaabta, taariikhda, anthropology(cilmiga barashada Aadanaha) iyo luuqadaha waxa uu yaqaanay ilaa dhawr af oo kala ah: khawaarismiyaan, faarisi, carabi, Sanskrit, giriig, hibruu(afka yuhuda) iyo Syriac.
sidoo kale waxaa jiray caalimkii kale ee Ibnu siinaa oo wax ka yaqaanay, Diinta, cilmiga caafimaadka isaga oo laguna naanayso aabaha cilmiga caafimaadka ee casriga ah sidoo kale waxa uu yaqaanay fiisigiska, falsafada, xisaabta, gabayada, cilmu nafsiga, juqraafiga iyo waxyaalo kale oo badan.
sidoo kale waxaa jiray caalimkii Al-khawaarismi oo isaguna wax ka yaqaanay Diinta, Xisaabta: waana aabaha xisaabta Al gebrada, sidoo kale waxa uu wax ka yaqaanay cilmi falaga, juqraafiga iyo luuqadaha. waxaa jira rag badan oo kale oo lamid ahaa ragan oo sidooda cilmiyo badan oo kala duwan yaqaanay sida, Cabaas ibnu firnas, Ibn Rushd, Ibn al-Haytham, Ibn Khaldun iyo qaar kale oo badan. halkan waxaynu ka arki karnaa in qofku uu barankaro waxyaalo badan oo kala duwan iyada oo ay macquul tahay inuu shay gooni ah xooga saaro, marka maskaxdaada qol yar oo ciriiri ah ha gelin ee dhex dabaalo badwaynta cilmiga oo intii aad awoodo ka baro wixii ay doonaanba ha ahaadeene, marnaba laguma khasaaro cilmi la bartay
3 months ago | [YT] | 263