Ku soo dhawoow MOZAK Official
Kanaalkan waxaan idinku soo gudbin doonaa talooyin iyo wacyigelin caafimaad oo si joogto ah

👨‍⚕️ Dr. Zakaria Abdifitah
Dhakhtar intern oo ka baxay Kuliyadda Caafimaadka – Jaamacadda Ain Shams, Masar.

👨‍⚕️ Dr. Mohamed Hassan Mohamed
Dhakhtar guud oo ka baxay Kuliyadda Caafimaadka – Jaamacadda Helwan, Masar.

👉 Si aad ula socoto muuqaalada cusub, fadlan Subscribe saar kanaalka.
Mahadsanidiin!


Mozak_Official

🎙️ XALQADA ASBUUCAAN — ADIGA DOORO!

1 week ago | [YT] | 9

Mozak_Official

🟡 JIRKAAGA DHAQAAJI — JIMICSI | SOCOD | CUNTO CAAFIMAAD LEH

Jirkaaga inaad dhaqaajiso ma muhiim bay u tahay caafimaadkaaga?
Maxaa dhacaya marka dhaqdhaqaaq la’aantu noqoto caado?

Markasta oo aad dhakhtar booqato, maxaad inta badan maqashaa?
“Dhaqdhaqaaq samee, socodkaaga kordhi, jimicsina samee.”
Laakiin… maxay dhab ahaan u tahay muhiimadda dhaqdhaqaaqu?

Haddii qofku muddo dheer aan socon, aan jimicsan, oo dhaqdhaqaaq yar sameeyo, maxaa caafimaad ahaan ku dhici kara?
🧠 Dhaqdhaqaaqa jirka iyo caafimaadka maskaxdu ma isku xiran yihiin?
💪 Sidee ayuu jimicsigu u saameeyaa jirka iyo nolosheena?
📱 Maxay yihiin fikradaha caafimaad ee si weyn loogu faafiyo social media, kuwaas oo aan lahayn caddeyn cilmiyeed oo ku filan, haddana dadku si indho la’aan ah u rumaystaan?

Xalqaddan, waxaan si toos ah u lafa-guri doonaa su’aalahan iyo kuwo kale — annagoo kala saaraya waxa cilmi ahaan la xaqiijiyay iyo waxa bulshada lagu dhex faafiyo.

🎙️ Dr. Zakariye Abdifatah Husein (Shire)
🎙️ Dr. Mohamed Hassan Mohamed (Deck)

JIRKAAGA DHAQAAJI. MASKAXDAADA DARYEEL. CAAFIMAADKAAGA MAALIN WALBA DHIS.

📺 Xalqaddan waxaad si toos ah ugala socon doontaan Mozak Channel.
MOZAK PODCAST — Aqoonta, Caafimaadka & Horumarka Bulshada.

1 week ago | [YT] | 25

Mozak_Official

🎙️ JOOGTEYNTA – XALAQADA MAANTA

Waa maxay joogteyntu?
Maxay ku kala duwan yihiin joogteynta iyo discipline-ka?
Qof walba wuxuu leeyahay wax uu ku joogteeyo — su’aashu waxay tahay: noocee joogteyn ah ayaad leedahay? 🤔

Xalaqadan waxaan si qoto dheer ugu lafa-guri doonnaa:
🔥 Macnaha joogteynta iyo muhiimaddeeda
🎯 Sida joogteyntu kuu gaarsiin karto yoolalkaaga
💪 Farqiga u dhexeeya joogteyn iyo discipline
🚀 Sida loo dhiso caadooyin joogto ah oo noloshaada wax ka beddela

🎧 La soco XALAQADA MAANTA ee Mozak Podcast!
Daawasho wacan — mar dhow! ❤️‍🔥

1 month ago | [YT] | 24

Mozak_Official

Qof walba wuxuu ku dhashay inuu jeclaado waxa dantiisa ku jira, sida ay sheegaan cilmi-baarisyada cilmi-nafsiga iyo aragtida falsafadeed ee loo yaqaan (Psychological Egoism).

Waxaan sharxi doonaa farqiga u dhexeeya self-love (is-jacayl caafimaad qaba) iyo selfishness (danaysi).

Waxaan sidoo kale ka hadli doonaa cilmi-baarisyada laga sameeyey shakhsiyadda qofka daneystaha ah iyo qofka isla weyn.

Maxaa ka dhacaya maskaxdeenna gudaheeda marka aan gaarayno go'aamada danteenna ku jira?

Waxaan sidoo kale sharxi doonaa noocyada ego-ga iyo sida uu qofka ugu samaysmo.


🎙️ Today's episode is dropping soon. Stay tuned! 🔥

1 month ago | [YT] | 34

Mozak_Official

Cidlada iyo kalimada joogtada ah saameyn intee la eg ayee nolosheyna ku yeelan kartaa?

Ma tahay qatar aan la ogeyn oo burburin karta nolasha dhalinyaro badan?

Cilmi baarisyadii ugu danbeeyay ee laga sameyay iyo cudurada lala xariiriyo.

Xalqada si wacan loo diyaariyay ayaan bari alle idinkii halkaan idunkula wagaagi doonaa

2 months ago | [YT] | 45

Mozak_Official

Xalqad aad u muhiim ah oo ka hadleysa hurdada!
Ma ogtahay in hurdadu ay saameyn toos ah ku leedahay caafimaadkaaga jirka, maskaxdaada iyo noloshaada maalinlaha ah?

Xalqaddan waxaan kaga hadlaynaa:
Hurdada yarida iyo xanuunnada iyo dhibaatooyinka ay keento.

Sidee ku ogaan kartaa inaad seexatay hurdo tayo leh?
Waa maxay farqiga u dhexeeya Insomnia (hurdo la'aan) iyo Sleep Deprivation (hurdo yarida)?

Maxaa sababa in hurdadu nagu yaraato?
Sidee hurdadu u saameysaa xusuusta, waxbarashada, difaaca jirka iyo caafimaadka guud?

🎙️ Waxaan si qoto dheer uga hadlaynaa mowduucyadan, annagoo ku sharxeyna cilmi-baarisyadii ugu dambeeyay ee laga sameeyay hurdada qarnigan aan ku jirno.

▶️ Daawo hadda xalqadda oo dhameystiran YouTube-ka, hana illoobin inaad Like, Share iyo Subscribe sameyso!

2 months ago | [YT] | 30

Mozak_Official

Thank you all for your incredible support! We truly appreciate every one of you. We will continue to grow and bring you more valuable content, Insha'Allah. ❤️🎊

2 months ago | [YT] | 111

Mozak_Official

🎙️ NEW EPISODE COMING SOON!
🎙️ Xalqad Xiiso Badan Ayaa Soo Socota!

Dopamine waa maado muhiim ah oo maskaxda ka shaqeysa, balse haddii aan si sax ah loo fahmin ama loo adeegsan, waxay dhiirrigelintaada u beddeli kartaa qabatin iyo caadooyin waxyeello leh.

Xalqaddan waxaan kaga hadli doonaa:
• Dopamine waa maxay?
• Maxay maskaxda iyo jirka u qabataa?
• Sidee ayay ula xiriirtaa qabatinka?
• Sidee dopamine-ka loogu adeegsan karaa horumar, halkii uu qofka u horseedi laheyd halaag?

Ha seegin... New Episode Coming Soon!

2 months ago (edited) | [YT] | 12

Mozak_Official

Ku soo dhowaada qaybta cusub ee barnaamijka Mozak Podcast!

Maanta waxaan si qoto dheer uga hadlaynaa mawduuc taabanaya qoysas badan oo Soomaaliyeed, kaas oo ah Autism-ka (Autism Spectrum Disorder). Maxay tahay sababta ay carruur badan ugu dhalanayaan xaaladdan? Sidee waalidku ku aqoonsan karaan calaamadaha ugu horreeya? Maxayse tahay habka ugu habboon ee loola tacaalo?

Qaybtaan waxaan ku faahfaahinaynaa runta, khuraafaadka bulshada dhexdiisa ka jira, iyo talooyin cilmiyeed oo waalidiinta caawinaya.

Haddii aad tahay waalid, macallin, ama qof raba inuu wax ka barto caafimaadka dhimirka iyo koritaanka carruurta, muuqaalkaan adiga ayuu kuu yahay.

Fadlan xasuuso inaad Subscribe dhurato, Like-na saarto si muuqaalku u gaaro qoysas badan oo u baahan caawinaadan.

Halkan ka daawo:
https://youtu.be/FqEkveN9zzU

4 months ago | [YT] | 33