Dadka ku nool agagaarka Mount Kenya National Park, oo ku taalla bartamaha dalka Kenya, ayaa Khamiistii sameeyay wicitaan degdeg ah oo ay u direen maamulka duurjoogta qaranka, kadib markii ay arkeen waxa ay u maleeyeen libaax ku dhuumaaleysanaya geed daaq ah hoostiisa.
Markiiba, kadib markii saraakiil hubeysan oo ka tirsan Kenyan Wildlife Service (KWS) ay si degdeg ah u gaareen goobta si ay uga hortagaan suurtagalnimada isku dhac u dhexeeya dadka iyo duurjoogta, waxaa la ogaaday in “libaaxii” uu dhab ahaantii ahaa mid bac lagu daabacay.
Ciidamada KWS ayaa yiri: waxaan helnay wicitaanno badan oo ka imaanayay dadka deegaanka Kiangua ee Gobolka Meru, kuwaas oo sheegayay in libaax uu ku dhuumanayo geed daaq ah. Markii ay halkaas tageen waardiyeyaashii KWS, way la yaabeen markii ay ogaadeen in ‘libaaxii la sheegay’ uu ahaa bac lagu daabacay sawirka libaax.”
Bacdaas, oo ay ka buuxeen miraha Avocado oo la beeri rabay, waxaa geedka dhex dhigay mulkiilaha gurigaas.
Rashka Barre

1 month ago | [YT] | 103