The Government of Puntland and the United States confirm the success of a counterterrorism operation in Al-madow - Golis mountain targeting an al-Shabaab weapons storage facility in Markad.
The successful operation, conducted in coordination with Puntland authorities, struck a site used by al-Shabaab to store weapons and ammunition intended to support terrorist activity and threaten the people of Puntland and Somalia.
The operation represents another important step in the expanding campaign to eliminate al-Shabaab from northern Somalia. By targeting the infrastructure that supports terrorist networks, Puntland and the United States are increasing pressure on al-Shabaab, disrupting its operational capabilities, and reducing its ability to plan and conduct attacks.
The Government of Puntland and the United States reaffirm that this operation is part of a sustained effort to degrade al-Shabaab capabilities, deny terrorist safe haven, and support long-term peace and stability in northern Somalia.
Waxaanu si gaar ah u adkaynay muhiimadda juqraafiyeed, amni iyo dhaqaale ee Somaliland, oo ku taalla mid ka mid ah marin-biyoodka ugu istiraatiijisan dunida, iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadan karto ilaalinta marinnada ganacsiga caalamiga ah iyo xoojinta amniga iyo xasilloonida gobolka.
Waxaanu sidoo kale carrabka ku adkaynay in Somaliland iyo Maraykanku wadaagaan qiyam iyo dano istiraatiiji ah oo muhiim ah, kuwaas oo saldhig adag u noqon kara iskaashi qoto-dheer oo ku dhisan kalsooni, dano wadaag iyo natiijooyin la taaban karo.
Waxa la joogaa wakhtigii danaha aynu wadaagno loo beddeli lahaa iskaashi istiraatiiji ah oo waara, mustaqbalka ku jihaysan, kana shaqeeya amniga, xasilloonida iyo barwaaqada labada shacab iyo guud ahaan Geeska Afrika iyo Gobolka Badda Cas.
Waxay uga tagtay dadkeeda dhaxal wanaagsan, oo lagu xasuusan doono, haday tahay dadka ay soo saartay iyo xarumaha bulsho ee ay dhistay. Allaah waxaan uga baryayaa in uu janadii geeyo inagana dhammaanteen samir iyo iimaan inaga wada siiyo, Aamiin”
AHUN Maamo Xaawo Camey, oo aheyd aasaasaha xarunta Xarunta Waxbarashada iyo Horumarinta Nabadda ee Galkacyo (GECPD) sanadkii 1999-kii, ayaa sidoo kale ka qeyb qaadatay horumarinta bulshada, sida dhallinyarada oo ay u dhistay Garoon kubadda lagu ciyaaro oo cagaaran iyo goobo lagu madadaasho. Shaqooyinka ay u haysay bulshadeeda waxay ku muteysatay abaalmarinta caanka ah ee Qaxootiga Nansen Refugee Award sanadkii 2012 iyo biladda TRT World Citizen sanadkii 2019.
Allaah ha u naxariistee Maamo Xaawo Aadan Camey waxay aheyd Xaaskii , AHUN Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke oo soo noqday Wasiirkii Waxbarashada Soomaaliya, Aasaasihii iyo Agaasimihii Xarunta PDRC, Allaah ha u naxariistee wuxuu isna geeriyooday October 2024.
Carmo: 11 September 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta tababar u soo xiray dufcadaha 11-aad iyo 12-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, kuwaas oo tababarro ku qaatay Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo iyo Kulliyadda Tababarka Ciidanka ee General Carays ee deegaanka Godod, ee degmada Gaalkacyo.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Maxamed Baari Shire, Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire, Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada, Guddoonka Gobolka Bari iyo kan Degmada Carmo, saraakiil ka tirsan ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland iyo marti-sharaf kale.
Xilalkan ayaa loo kala magacaabay Mudane Feysal Aadan Xasan oo noqonaya Agaasima Guud ee Hay’adda Maalgashiga JFS iyo Mudane Maxamed Yuusuf Maxamed oo noqonaya Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Maalgashiga JFS.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha XJFS ayaa Mudane Maxamed Dhuuboow Maxamed u magacaabay in uu noqdo Agaasimaha Guud ee Xarunta Adeegyada Mideysan ee Halmeel.
Gurmad Tv

1 day ago | [YT] | 34
View 0 replies
Gurmad Tv
Shalay iyo maanta, waxa aanu Capitol Hill ee Washington, D.C. kulammo muhiim ah kula yeelannay Senator Mike Rounds (R–SD), Congressman Brian Mast (R–FL), Congressman John Rose (R–TN) iyo Congressman John Moolenaar (R–MI), kuwaas oo aanu ka wada hadalnay xoojinta iyo sii ballaadhinta xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Maraykanka.
Kulamadayadu waxa ay diiradda saarayeen xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah iyo amniga, sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, xasilloonida Geeska Afrika, iyo ballaadhinta fursadaha ganacsi, maalgashi iyo iskaashi dhaqaale ee labada dhinac.
Waxaanu si gaar ah u adkaynay muhiimadda juqraafiyeed, amni iyo dhaqaale ee Somaliland, oo ku taalla mid ka mid ah marin-biyoodka ugu istiraatiijisan dunida, iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadan karto ilaalinta marinnada ganacsiga caalamiga ah iyo xoojinta amniga iyo xasilloonida gobolka.
Waxaanu sidoo kale carrabka ku adkaynay in Somaliland iyo Maraykanku wadaagaan qiyam iyo dano istiraatiiji ah oo muhiim ah, kuwaas oo saldhig adag u noqon kara iskaashi qoto-dheer oo ku dhisan kalsooni, dano wadaag iyo natiijooyin la taaban karo.
Waxa la joogaa wakhtigii danaha aynu wadaagno loo beddeli lahaa iskaashi istiraatiiji ah oo waara, mustaqbalka ku jihaysan, kana shaqeeya amniga, xasilloonida iyo barwaaqada labada shacab iyo guud ahaan Geeska Afrika iyo Gobolka Badda Cas.
2 days ago | [YT] | 56
View 16 replies
Gurmad Tv
Halgamaa Cumar Samatar Roobe, wuxuu 1884 ku dhashay magaalada Caluula ee gobolka Bari, Soomaaliya.
Cumar Samatar wuxuu ahaa hoggaamiye ciidan oo Soomaali ah oo door muuqda ka qaatay iska-caabbintii gumaysigii Talyaaniga xilligii Saldanaddii Hobyo.
Wuxuu ka mid ahaa taliyayaashii ciidamadii Sultan Cali Yuusuf Keenadiid, waxaana lagu xusuustaa geesinimo, abaabul ciidan iyo dagaal uu kula jiray ciidamadii Talyaaniga.
Sanadkii 1925, Cumar Samatar wuxuu hoggaamiyay ciidamo Soomaaliyeed oo weerar ku qaaday fariisimihii Talyaaniga.
9-kii November 1925, ciidamadiisu waxay qabsadeen Ceel Buur, waxaana guushaasi dhiirrigelisay kacdoon ballaaran oo ka dhan ahaa gumaysiga. Ciidamadiisu waxay sidoo kale gaareen Ceel Dheere, halkaas oo ay cadaadis weyn ku saareen Talyaaniga.
Weerarrada xooggan iyo dagaalladii gaadmada ahaa waxay Talyaaniga ku qasbeen inuu keeno ciidamo dheeraad ah oo ka yimid Eritrea.
Talyaanigu ugu dambayntii wuxuu 26-kii December 1925 dib ula wareegay Ceel Buur. Cumar Samatarse ma uusan joojin halganka; wuxuu u gudbay dhanka Ogaden, halkaas oo uu ka sii waday iska-caabbinta iyo dagaalladii ka dhanka ahaa Talyaaniga.
Cumar wuxuu xiriir dhow la yeeshay Itoobiya, xilligii uu hoggaaminayay Boqor Haile Selassie.
Itoobiya waxay taageero iyo hub siisay xoogag Soomaaliyeed oo ka soo horjeeday Talyaaniga. Sannadkii 1934, Cumar Samatar wuxuu ka mid noqday hoggaamiyeyaashii Soomaalida ee ka hawlgalay Ogaden, gaar ahaan xilligii xiisaddii Walwaal (Ual-Ual). Dhacdadii Walwaal ee 1934 waxay noqotay mid ka mid ah sababihii horseeday dagaalkii Itoobiya iyo Talyaaniga ee 1935.
Sidaas darteed, taariikhda Cumar Samatar waxay ku suntan tahay iska-caabbinta gumaysiga, hoggaamin ciidan iyo halgan ka sii socday gudaha Soomaaliya iyo Ogaden.
Wuxuu ka mid yahay halgamayaashii Soomaaliyeed ee door ku lahaa taariikhda iska-caabbinta gumaysiga Talyaaniga.
Dhaxalkiisa: Cumar Samatar waxaa maanta lagu xusuusan karaa inuu ahaa taliye Soomaaliyeed oo aan si fudud uga tanaasulin halganka, kaas oo dagaalkiisa ka bilaabay Hobyo iyo bartamaha Soomaaliya, kadibna u gudbay Ogaden, isagoo xiriir iyo iskaashi la yeeshay Itoobiya si uu uga hortago awooddii gumaysiga Talyaaniga.
Waa ninka loogu magac daray dugsiga sare ee magaalada Gaalkacyo.
Allah ha u naxariistee Cumar Samatar, wuxuu 1944 ku geeriyooday magaalada Harar ee dalka Itoobiya.
4 days ago | [YT] | 112
View 11 replies
Gurmad Tv
TACSI GEERIDA AHUN MAAMO XAAWO AADAN CAMEY.
Nairobi: 14 September 2026: Waxaan ummada Soomaaliyeed , gaar ahaan shacabweynaha Puntland, uga tacsiyeynaynaa geerida Allaah ha u naxariisto Xaawo Aadan Camey, oo aheyd shakhsi inagu weyn, waxbadana kasoo shaqeysay arrimaha bulshada iyo horumarka, wakhti badana gelisay Waxbarshada iyo Taageerada Horumarinta Haweenka , dadka danyarta ah iyo garab istaaga dhallinyarada.
Waxay uga tagtay dadkeeda dhaxal wanaagsan, oo lagu xasuusan doono, haday tahay dadka ay soo saartay iyo xarumaha bulsho ee ay dhistay. Allaah waxaan uga baryayaa in uu janadii geeyo inagana dhammaanteen samir iyo iimaan inaga wada siiyo, Aamiin”
AHUN Maamo Xaawo Camey, oo aheyd aasaasaha xarunta Xarunta Waxbarashada iyo Horumarinta Nabadda ee Galkacyo (GECPD) sanadkii 1999-kii, ayaa sidoo kale ka qeyb qaadatay horumarinta bulshada, sida dhallinyarada oo ay u dhistay Garoon kubadda lagu ciyaaro oo cagaaran iyo goobo lagu madadaasho. Shaqooyinka ay u haysay bulshadeeda waxay ku muteysatay abaalmarinta caanka ah ee Qaxootiga Nansen Refugee Award sanadkii 2012 iyo biladda TRT World Citizen sanadkii 2019.
Allaah ha u naxariistee Maamo Xaawo Aadan Camey waxay aheyd Xaaskii , AHUN Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke oo soo noqday Wasiirkii Waxbarashada Soomaaliya, Aasaasihii iyo Agaasimihii Xarunta PDRC, Allaah ha u naxariistee wuxuu isna geeriyooday October 2024.
4 days ago | [YT] | 90
View 17 replies
Gurmad Tv
Carmo: 11 September 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta tababar u soo xiray dufcadaha 11-aad iyo 12-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, kuwaas oo tababarro ku qaatay Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo iyo Kulliyadda Tababarka Ciidanka ee General Carays ee deegaanka Godod, ee degmada Gaalkacyo.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Maxamed Baari Shire, Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire, Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada, Guddoonka Gobolka Bari iyo kan Degmada Carmo, saraakiil ka tirsan ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland iyo marti-sharaf kale.
— DHAMMAAD —
1 week ago | [YT] | 104
View 6 replies
Gurmad Tv
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa booqday Qabriga Alle ha u naxariistee Tanade Shiikh Cabdiraxmaan Ismaaciil Jabarti (Daarood) oo ka mid ahaa Odeyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee ay kasoo farcameen qaar ka mid ah qabaa’Ilka Soomaaliyeed, kaasi oo ku aasan degmada Iskushuban ee Gobolka Bari.
Madaxweynaha ayaa u duceeyay Marxuumka wuxuuna Allaah uga baryay inuu u danbi dhaafo, oo hoygiisana uu ka dhigo janatul fardowsa (Aamiin).
Waxaa booqashada ku weheliyey Madaxweynaha, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Saraakiil Madaxtooyo.
-DHAMMAAD-
1 week ago | [YT] | 190
View 30 replies
Gurmad Tv
Xiriiro : 10 September 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay deegaanka Xiriiro ee Gobolka Bari, halkaasi oo bulshada kula hadlay Fagaaraha magaalada isagoo Intaasi Kadibna kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Xiriiro oo uu ka dhegaystay baahiyaha ka jira deegaanka.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dadweynaha sida weyn ee ay usoo dhoweeyeen iyadoo qorax iyo kul uu jiro, wuxuuna ka hadlay xaaladda Abaarta iyo Roob la’aanta ah, isagoo duceeyay oo Allaah inooga baryay inuu raxmadiisa inaga soo waraabiyo oo ina siiyo Roob.
Madaxweynaha waxaa safarka ku weheliya Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland , Maamulka Gobolka Bari iyo La-taliyeyaal Madaxweyne , Saraakiil Ciidam iyo Saraakiil Madaxtooyo.
-DHAMMAAD-
1 week ago | [YT] | 149
View 3 replies
Gurmad Tv
Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Maalgashiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kadib soojeedinta Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XJFS.
Xilalkan ayaa loo kala magacaabay Mudane Feysal Aadan Xasan oo noqonaya Agaasima Guud ee Hay’adda Maalgashiga JFS iyo Mudane Maxamed Yuusuf Maxamed oo noqonaya Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Maalgashiga JFS.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha XJFS ayaa Mudane Maxamed Dhuuboow Maxamed u magacaabay in uu noqdo Agaasimaha Guud ee Xarunta Adeegyada Mideysan ee Halmeel.
1 week ago | [YT] | 23
View 1 reply
Gurmad Tv
MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR
Muqdisho, Sabteembar 10, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta 1-aad, Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Cutubyo ka tirsan Guutada 21-aad ee Gorgor, kuwaasi oo dhowaan soo dhammaystay tababar heer sare ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixinno ka dhageystay Taliska iyo saraakiisha ciidamada, isaga oo mid mid u booqday xafiisyada Taliska, deegaanka ciidamada, Isbitaalka Qaybta iyo xarumaha saadka, isla markaana u kuurgalay xaaladda guud ee ciidamada, adeegyada ay helaan iyo diyaar-garowgooda hawlaha qaranka.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka ciidamada Gorgor ee difaaca dalka iyo la dagaallanka Khawaarijta, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna ka shaqeeyaan xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ah xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah Khawaarijta .
Ugu dambaun, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dowladda iyo shacabka Türkiye uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay ka geystaan dib-u-dhiska, tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhismaha iyo horumarinta cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor.
DHAMMAAD
1 week ago | [YT] | 64
View 2 replies
Gurmad Tv
MADAXWEYNAHA OO KORMEERAY WARSHADA KALLUUNKA EE XAAFUUN, WARSHADA BIYAHA MACAANEYSA IYO GAROONKA DIYAARADAHA EE XAAFUUN.
Xaafuun : 09 September 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga degmada Xaafuun ee Gobolka Bari, ayaa maanta kormeeray and Warshada Kalluunka sameysa, Warshada Biyaha Macaanaysa iyo Garoonka Diyaaradaha ee degmada Xaafuun.
Madaxweynaha ayaa kormeeray sida ay u shaqeyso Warshada biyaha macaanaysa, oo Dowladdu hirgelisay taasi biyo macaan siisa degmada Xaafuun iyo deegaannada hoos yimaada, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu booqday Warshada Kalluunka ee Xaafuun oo Kalluunka u iibgeysa dalka iyo dibadiisa, Madaxweynaha ayaa boggaadiyey ganacsatada maalgashatay.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kormeeray Garoonka Diyaaradaha ee degmada Xaafuun, isagoo warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada iyo maamulka degmada Xaafuun. Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada uu deeganadan u leeyahay Garoonkan oo la horumarinayo si uu ugu adeego bulshada deegaannadan ku nool.
Kormeerka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Xaafuun.
-DHAMMAAD-
1 week ago | [YT] | 90
View 2 replies
Load more