DrMawliid Ku-dar

Cinwaankaygan YouTube ka waxaan ku baahiyaa casharo ku saabsan caafimaadka anoo ku sharaxaya afkeena hooyo "Af-Soomaali".



DrMawliid Ku-dar

Maxaa keena caabuqa beerka A(Hepatitis A) ?

Waxa keena fayraska la yidhaahdo fayraska caabuqa ku keena beerka ee A (hepatitis A virus=HAV) ,waana mid burburin ku keena unugyada beerku ka samaysan yahay.
Fayraskan waxa hoygiisu yahay kaliya bili'aadamka,wakhtiga uu jidhka soo galo ilaa inta calaamadaha uu muujinayaa waa 15-50 cisho inta u dhaxaysa. Sida lagu kala qaadi karo ama lagu gudbiyaa waa af iyo dabo oo ka dhigan saxarada bukaanka oo afka u gasha qof kale siday ugu galaysaana waa biyo aan nadiif ahayn oo uu cabo ama qofka qaba oo isagoon faro dhaqan qofka kale cuno uu soo taatabtay siiya. Qofka qabana waa sababtay u tahay inaanu wax u karinin cid aan qabin gaar ahaan cunada aan dab la soo galin.

Calaamaddaha

Calaamaddaha waxa ka mid ah daal badan,yalaalugo,hungaaco,oboc xanuun ama halka beerka ku beegan oo qofka xanuunta,iyo laabatooyinka oo qofka xanuuna,sidoo kale maadaama beerku aanu si sax ah shaqadiisa u gudanayn waxa jidhka ku badanaya bilirubinta taas oo ah waxa midabka u heela kaadida iyo saxarada waxaana imanaysa in indhaha iyo jidhku yeeshaan midab hurdi ah ama cagaar khafiifa waana calaamadaha Soomaalidu kala yaqanaan Joonis (jaundice) ama Cagaarshaw(jaundice),walaw xanuunada beerka ku dhaca ee talaxgabka ku rida ay iyaba keeni karaan markaa cagaarshaw ama joonisku waxaynu odhan karnaa maaha xanuun ee waa calaamad cilad beerreed tilmaamaysa walaw bahda caafimaadka gaar Hepatitis ku sheegaan Joonis ama Cagaarshaw waana qalad dhanka eray bixinta ah !

Si gaar ah waxaynu mar u qaadaa dhigi doonaa xanuunada leh calaamada Jooniska markaynu noocyada caabuqa beerka ee fayrasyadu keenaan soo dhamayno (hepatitis A,B,C,D,E) in shaa Allaah 💯.

Calaamaddaha kale waxa ka mid ah cuncun,beerka oo bararra, haddii qofku marka hore uu qabo xanuunnada beerkana wuxuu ku keeni karaa talaxgab degdeg ah ama qofka ku kadiya (acute liver failure).

Hepatitis A gu ma noqdo mid jiitama oo qofka haya mudo dheer (chronic pancreatitis) sida noocyada ka midka ee aynu soo qaadan doonaa ay noqdaan.

Baadhitaanka,sida loola tacaalo iyo sharaxaad dheeraad ah ka daawo halkan
https://youtu.be/NiFte0vAF3g?is=HU04o...

1 month ago | [YT] | 13

DrMawliid Ku-dar

Dacartu miyay dawo u tahay xumada ama qandhada dengue ga?

Markii aan wax ka soo akhriyay faa'idada ay leedahay dacartu "Aloe Vera" waxaan soo ogaaday inaanay dacartu iyadu dawaynin fayraska keena dengue ga balse ay hoos u dhigto xumada maadaama ay ku jiraan dareere badani sidoo kale caabuqa ayay hoos u dhigtaa.

Waxa aan xasuustaa waagii aanu yaryarayn inay Ayeeyo AHN na odhan jirtay wakhti roobaadka a kaneecadu dilaacdo leefa dacarta,ta qalalana soo gura oo fiidkii guriga lagu shidi jiray.

Cunooyinka ama dhirta laysku raacay inay faaido badan u leeyihiin qofka xumadaasi hayso waxa ka mid ah .

Caleenta Babaayga(Papaya leaf)oo ay tahay in la shiido iyada oon wax biyo ah lagu darayna qofku ka qaato malgacad mugeed maalintii mar ama laba jeer,waxayna kor u qaadaa samaysanka xinjirawga dhiiga maadaama uu fayraska keena xumada dengue gu uu xinjirawga hoos u dhigo taasina ay keento,sidoo kale caabuqa ayay hoos u dhigtaa.

Sidoo kale midhaha Rumaanka (Pomegranate) wuxuu isagu leeyahay faaido ah inuu kor u qaadayo unugyada dhiiga ee cascas oo waxa laga helaa iron badan iyo faytamiino.

Dhanka xanuunka laftiisa,fayraska keena noocyada uu u qaybsamo,calaamadaha,dawooyinka ay tahay in xumada lagula tacaalo iyo kuwa aanay ahayn in loo adeegsado ee dhiigbaxa siyaadinaya hore ayaan cashar uga sameeyay ee halkan Ka daawo.
https://youtu.be/pDUmmvJcZlI?si=k0gjp...

1 month ago | [YT] | 2

DrMawliid Ku-dar

Maxaa keena caabuqa Ganaca ee soo booda (Acute pancreatitis)?

Waxyaabaha keena caabuqa Ganaca ee soo booda waxa ugu badani waa dhagaxaanta ku samaysma xamaytida oo xidha halkay iskaga darsamaan marinka xamaytida ka yimaada ee qarastu marto iyo ka ka yimaada ganaca ee insamyadu maraan,taas oo keenaysa in enzyme yadii loogu talo galay inay cunnada shiidaan ay ku hakadaan ganaca dhexdiisana ku noqdaan kuwo hawl gala sidaana isla ganacii ku shiidaan,waayo enzyme yadu waxay kuwa hawl gali kara ku noqdaan labiyo tobanlaha oo ah bilawga mindhicirka yar.

Waxa kale oo kaalinta koobaad kula jira khamriga oo kahmrigu wuxuu sababaa in la soo daayo enzyme yo badan sidoo kalena wuxuu keenayaa inuu dareeraha jidhka hoos u dhigo taasoo ka dhigaysa enzyme yadaas kuwo riban markay marinka ay maraan isugu yimaadaan wakhtiga ay ku gaadhayaan labiyo toban luhuna uu dheeraado keentana inay ku dhex hawl galaan ganaca sidaana unugyadii ganacii u raamsadaan iyo unugyo baruureeda qaabuqna sidaas uga dhasho.

Xanuuno kalena way keeni karaan oo waxaan ku sharaxay muuqaalka,calaamadaha ,sida loo baadho sida loola tacaalaba.

Halkan ka daawo ⬇️
https://youtu.be/eiB0I46khXs?si=u1tYO...

1 month ago | [YT] | 11

DrMawliid Ku-dar

Maxaa keena Calool-istaaga (constipation)?

FG: "Calool-istaag waxa lagu sheegi karaa marka qofku uu saxaroodo wax ka yar 2 jeer todobaadkii".
Waxyaabaha keena waxa ay kala yihiin,xanuuno aan la aqoon waxa keena,kuwo la yaqaano,dawooyin iyo uurka.

Xanuunnada aan la aqoon waxa keena waxa ka mid ah xanuunka la yidhaahdo (IBS) qaybtiisa calool istaaga keenta.

Xanuunnada la yaqaano waxa keena waxa ka mid ah kuwa mindhicirka wayn sida kansarka iyo Ischemic colitis oo ah mid xididada dhiiga keena ay dhiigyar keenaysaan mindhicirka weyn...Xanuunada malawadka iyo dabada sida babaasiirta iyo kansarka oo qofka si dadban ayay ugu keenayaan oo qofku wuxuuba la meeraysanayaa suuli galista maadaama oo uu og yahay inay dabadu dhiigi karto ama xanuuni doonto mana rabo dareemadaas sidaasuu saxarada isugu haynayaa ilaa ay ku qalasho.Xanuunada Endocrine ama hoormoonada la xidhiidha sida hypothyroidism ka oo habdhiska dheefshiidka ayaa hoos u dhaca markay hoormoonada qanjidhka tayroodhku hoos u dhacaan,macaankuna wuu keenaa iyo Hypopituitarism oo hoormoonka qanjidhka tayroodhka cariya ayaa hoos u dhacaya (TSH) haduu kaasi hoos u dhacana hoormoonada qanjidhka tayroodhku soo daayo lama soo dayn doono taasina waxay sii sababaysaa Hypothyroidism....

Waxa kale oo keena xanuunada sida guud ugu dhaca nudayaasha jidhkoo dhan (systematic cutaneous tissue diseases) sida systemic scleroderma oo ah xanuun qalafsanaan ku rida maqaarka iyo muruqyada oo muruqyada mindhicirka ee riixa saxaradu siday tahay uma shaqayn doonaan taasina waxay sababaysaa calool istaag .

Xanuunada kale ka daawo muuqaalka

Dawooyinka qaar ayaa iyana keena oo ay ka mid yihiin saamayntooda taban sida kuwa loo qaato suuxdimaha,kuwa loo qaato depression ka,kuwa loo qaato dhiigkarka qaar ka mid ah ,kuwa loo qaato kala fogaynta caruurta iyo qaar kale.Sidoo kale uurkuna wuu keenaa oo haweenka UURKA lihi way ka cawdaan hadaanay khudaarta iyo cunooyinka baalka leh badsanin.


Halkan ka daawo faahfaahin iyo sharaxaad dheeraad ah

La wadaag (share)bulshada si ay uga faa'idaystaan isuna baadhaan iyagoo u tagaya dhakhtarka ku takhasusay xanuunnada habdhiska dheefshiidka (Gastroenterologist) maadaamay dawadiisu tahay waxa keenay oo meesha laga saaro.

https://youtu.be/4A4ECLBOLnQ?si=P6hJR...

1 month ago | [YT] | 7

DrMawliid Ku-dar

Ardayda Afruushka wax ku dhigata ayaan maadada Endocrinology ga u soo gabagabeeyay maanta,xiisadu markay sii dhamaanaysay ayay hadyadaas i siiyeen oo ah buug,qalin iyo shandad jeebaddeed magacayga lagu soo xardhay afruush ahaan :) ❤️

Shandad jeebeedda waxay ku soo dul dhajiyeen calanka Soomaaliya,markaan ka gudoomay ayaan ku idhi ma ogtihiin calankan inaanan la tagi karin magaaladaan ka imi (Hargeysa) oo laygu xidhayo? :) waa kuwa yidhi,oo waayo? Waaniga uga waramay xaalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo sababta aan calankan looga ogolayn Somaliland ,iyagoo isleh malaa hadyad qaldan ayaad siiseen ayaan ku idhi,halkan aan joogo maadaamaan Soomaali kaligay ka joogo anigaa labadaba u safiir ah aan mushahar qaadan oo gurigaba calamada shanta Soomaaliyeed way ii wada yaalaane qalad maydin galin,waa kuwa qoslay 😃

1 month ago | [YT] | 29

DrMawliid Ku-dar

Maxaa keena Shubanka (Diarrhea)

Ciladaha keena shubanka waxa loo kala qaybiyaa kuwo wakhti kooban ku eeg (acute diarrhea) oo ah wax ka yar 2 isbuuc iyo kuwo keena shuban jiitama wax ka badan bil (chronic diarrhea).

Kuwa wakhtiga kooban keena shubanka waxa ka mid ah bakteeriyooyinka sunta ay wataan oo ah ta ugu badan ,waxa kale oo keena dawooyinka sida kuwa lidka jeermisyada ama bakteeriyada gaar ahaan kuwooda laaya bakteeriyooyin kala jaad ah oon u kala aabo yeelin,kuwa loo qaato dhiigkarka ama kuwa loo qaato khalkhalka ku yimaada habsami garaaca wadnaha ama laxanka wadnaha,kuwa lagu lidka aysiidha caloosha ah ,dawooyinka loo qaato jilcinta saxarada oo si qaldan loo qaato.Sidoo kale waxa keena sunta fangaska,dawooyinka cayaayaanka lagu laayo oo qofku galo meel lagu buufiyay,.Waxa kale oo keeni kara caabuqa minhdicirka wayn iyo qofka oo cunooyinka gaar xasaasiyad ku leh .

Xanuunnada wakhtiga dheer keena shubankana waxa ka mid ah kuwa caabuqa mindhiciraha (Inflammatory bowel diseases) kansarka mindhicirka weyn,xanuunada difaaca jidhka daciifiya,Xanuunada keena in aan si fiican mindhicirraha nafaqada looga soo nuugin iyo cunooyinka dareere qabsiga leh iyo dawooyinka qaar halkan ka daawo faahfaahin dheeraad ah iyo xanuunada kale eenan qaraalkan kooban ku xusin.

https://youtu.be/8QhYdzR4-bU?si=u51FK...

1 month ago | [YT] | 5

DrMawliid Ku-dar

Maxaa keena Hungaacada ama Mataga (Vomiting/ Emesis)

Mataga ama hungaacadu waa calaamad xanuun ama uur waxaana keeni kara xanuuno kala duwan oo ay calaamad u tahay halka yalaalugada ama lalabadu tahay calaamad digitaan sheegaysa inay hungaaco kugu soo fool leedahay.

Xanuunada keena waxa ka mid ah kuwa xidha handhiska dheefshiidka meel ka mid ah ,kuwa ay keenaan bakteeriya ama fayrus,caabuqyada ganaca,beerka, qabsinka iyo xamaytida,kuwa habdhiska dheefshiidka sida curyaamida caloosha iyo laabdilaaca.Xanuunnada wadnaha iyo sanbabka.Kuwa dhagta dhexdeeda sida xanuunka hungaacada safarrada (motion sickness) .Soobaxyada iyo kansarada,Xanuunada maskaxda kuwa dhiigu ku furmo ama biyaha maskaxdu meel ay ka baxaan waayaan.Xanuunada nafsiga ah sida kuwa bukaanku isu haysto inuu buuran yahay se aanu buurnayn sidaasna ay cunaday cunaan isaga hungaaciyaan ama markiiba hungaaco qabato.Xanuunada qanjidhka tayroodhka,kuwa qanjidhka kali ka sareeyaha.

Sidoo kale waxa keena dawooyin sida kuwa kansarka lagula tacaalo kuwa lidka jeermisyada ah kuwa macaanka lagu daweeyo ee hoos u dhiga sonkorta dhiiga .....

Uurku isagu wuu keenaa yalaalugada badan iyo hungaacaba.

Wixii faahfaahin dheeraad ah iyo sida loo daweeyo halkan ka daawo
https://youtu.be/bcWsjAWYg5s?is=Pnru6...

1 month ago | [YT] | 9

DrMawliid Ku-dar

BABAASIIR (Hemorrhoids)

Basaabiirta maxaa keena?

Waxa keena cunnada qofku cunnayo oo ah mid aan baal lahayn keenaysana calool istaag,calool istaaguna ducasho badan ayay keentaa taas oo sii keenaysa inay xididada malawadku cadaadiska ku imanaya dartii ay soo kuusmaan dhiigaana.

Sidoo kale waxa keenay qofka oo shaqadiisu u badan tahay mid fadhi ah ,miisaan culus oo uu qufku qaado,uurka laftiisu wuu keena oo cadaadis ayuu xiidmaha iyo malawadkaba sidoo kale hoormoonada isbadalayaa waxay ku keenayaan inay lakabyada xididadu jildaan,calool istaagna wuuba keena oo waa in la siiyo dawooyinka saxarada jilciya foosha wakhtiga dhalmaduna way keentaa oo ducashada ilmaha ayaa iyana keenaysa.


Calaamaddaha
Calaamadduhu waa dhiig midab xafiifa leh,daba cuncun iyo mararka qaar xanuun uu keenayso dhiigguntanka yimi ama thrombosis ku.

Dawaynta iyo baadhitaanka iyo noocyada loo qaybiyo waxaad ka daawan kartaa si faahfaahsan halkan
https://youtu.be/EKwuu6R-VKM?si=sv2Md...

2 months ago | [YT] | 12

DrMawliid Ku-dar

Caabuqa Qabsinka (Acute appendicitis)

Caabuqa qabsinka ku dhaca waa caabuq yimaada marka qabsinka cuno aan la dheefshiidini ama saxo awdo oo xidho,ama soo bax taasoo keenta inay bakteeriyadu ku taranto qabsinka dhexdiisa taasoo sare u qaada cadaadiska qabsinka dhexdiisa keentana inay xididada dhiiga siiyaa gayn karin dhiig ku bilan mudo haday sidaas ku socotana waxa diciifa lakabyada uu ka samaysan yahay oo qarax sameeya ama dilaac waana marka qofka si diran uu xanuun uga dareemo obocda dhanka midig ee misigta ka saraysa.

Calaamadaha
Calaamaduhu waa xanuun daran oo bukaanku ka dareemayo obocda dhanka midig ee misigta ka saraysa kaas oo marka la taabto ka dhinmaya marka laga qaado gacantana ka daraya,hungaaco,xumad iyo shuban (caruurta)

Baadhitaanka iyo Dawaynta halkan ka daawo
https://youtu.be/DFk3M788KhU?si=31FyJ...

2 months ago | [YT] | 11

DrMawliid Ku-dar

Waa maxay sababta BUKAANKA marka baadhis lagu samaynayo loo yidhaahdo kaalay adigoon soo QURAACAN?

2 months ago | [YT] | 7