GAAS FILMS & VLOGS

chanell waxad ka helaysa wax kasta aad jeceshahay arimaha qoyska oo kal duwan walal nagu soo biir wlalal
youtube.com/watch?v=Gv1KcFQmTBU&list=UU3-XShVFJWjn…
youtube.com/watch?v=dmNVhxSs-0ohttps://www.youtube…


GAAS FILMS & VLOGS

maxaa ka run ah maxaase ka been ah sheegashada samaron ee saylac goorm ayay bilaamatay yaase bilaabay dhawaan kala soco halkan

1 week ago | [YT] | 118

GAAS FILMS & VLOGS

Dowlada waqooyi Bari ayaa hambayo u soo dirtay madaweyne ismail oo mar kale loo doortay dalka jabuuti

Waxaan si weyn ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda aan walalaalaha nahay ee Jabuuti Mud. Ismaaciil Cumar Geelle oo markale shacabkiisu u doorteen inuu sii hoggaamiyo.

Waxaan Madaxweynaha ugu ducaynayaa in Ilaahay u fududeeyo masuuliyadda culus ee markale shacabkiisu u igmadeen.

Waxaanna sidoo kale ku bogaadinayaa shacab weynaha Jabuuti doorashada ay sida ilbaxnimada, nabadda iyo dimuqraaddiyadda leh u galeen.

Hambalyo.

Je félicite chaleureusement le Président réélu de la République sœur de Djibouti, Son Excellence Ismaïl Omar Guelleh, que son peuple a de nouveau choisi pour poursuivre son leadership.

Je prie Dieu de lui faciliter la lourde responsabilité que son peuple lui a une fois de plus confiée.

2 weeks ago | [YT] | 59

GAAS FILMS & VLOGS

DEG DEG:- Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ku dhawaaqay in doorashada Madaxtinimo ee Dalkan ka dhacay maanta uu ku guuleystay Musharax Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle isaga oo helay aqlabiyada codadka dadweynaha reer Jabuuti.

Muuqaalka mar dhaw la soco

2 weeks ago | [YT] | 95

GAAS FILMS & VLOGS

WAR DEG DEG AH.
Dagaal ayaa hada kasocda Deegaanka Fardaha
Jabhada maleeshiyaadka Beesha samaron ayaa Weerar gaadmo ah ku qaaday Dadka Daagaankaasi.

Waxa Xusid mudan in Xukuumada Somaliland ay Shalay Nabad ka Saxeexday Beesha samaron
Balse ay Maanta Soo qaadeen weerar Gaadmo ah.

2 weeks ago | [YT] | 96

GAAS FILMS & VLOGS

WAR DEG DEG AH.
Dagaal ayaa hada kasocda Deegaanka Fardaha
Jabhada maleeshiyaadka Beesha samaron ayaa Weerar gaadmo ah ku qaaday Dadka Daagaankaasi.

Waxa Xusid mudan in Xukuumada Somaliland ay Shalay Nabad ka Saxeexday Beesha samaron
Balse ay Maanta Soo qaadeen weerar Gaadmo ah.

3 weeks ago | [YT] | 54

GAAS FILMS & VLOGS

DALKA JABUUTI DHAWANA WAXAA KA DHICI DOONTA DOORASHO XOR IYO XALAL AH SHACABKA JABUUTI WAXAAY U DARIRI DOONA MALINTA JIMCAHA DOORASHO IYAGOO DOORAN DORA MADAXWEYNAHA SHANTA SANO SOO SOCTA HOGAAMIN DOONA
SHACABKA WAXAY MAR KALE DOONAYAN IN AY DIB U DORAN IOG MUDAN E ISMAIL OMER GELE

WAXAY LEEYIHIIN ABOW MAR KALE HANO TALADA DALKA

3 weeks ago | [YT] | 18

GAAS FILMS & VLOGS

Jabuuti waxay isu diyaarinaysa doorashadii ugu adkayd taariikhda, ololaha doorashada oo ah kii ugu xamaasadda badnaa ayaana socda.

Shacabka Jabuuti waxa ka muuqda bisayl iyo faham qoto dheer oo dawladnimada ah, waxa ayna kamidaysan yihiin inay markale codkooda ugu hiilayaan oo doortaan Madaxweynaha caqliga iyo cududda ugu hiiliyey ee Ismaaciil Cumar Geelle.

10 April ayaa loo madlan yahay in Vote-ka iyo sanduuqa loo dareero.

#MarkaleGeelle #IOG #RPP

Mohamed Yusuf Bakayle

3 weeks ago | [YT] | 45

GAAS FILMS & VLOGS

SOO

3 weeks ago | [YT] | 0

GAAS FILMS & VLOGS

Saaka wuxu dagaalku ka socdaa magaalada Sheed-dheer oo qiyaastii 20km u jirta, magaalada Baki

Sheed-dheer oo ah deegaan ay leedahay beesha ciis, ayaa sidoo kale magaalada Borama jirta 45km Taas oo muujinaysaa baaxadda dhulka gobolka Awdal ee beesha Ciise. Beesha Ciise oo degta dhulka ugu badan ee gobolka Awdal ayaa horay u jireen sheegashooyin dhulkaas oo beesha Samaroon sheegan jirtay,

Hase yeeshee hadda waxa cadaatay in beesha Samaroon ay laba magaalo oo kaliya ka degan tahay gobolkaas, kuwaas oo kala ah Baki iyo Borama. Waxa sidoo kale la bartay baaxadda dhulka beesha Ciise ee ay ka degan yihiin Awdal.

#Baki iyo #Borama Difaac ka gal adeer.
Waaruf TV

4 weeks ago | [YT] | 67

GAAS FILMS & VLOGS

Magaalada Jabuuti ayaa maanta lagu qabtay munaasabad ballaadhan oo lagu daah-furayay guryo wadareed bulsho oo ka badan kun, kuwaas oo si rasmi ah u furay Madaxweynaha dalka Cismaacil Cumar Geele.

Mashruucan ayaa laga hirgeliyay laba goobood oo kala ah PK13 ee degmada Balbala iyo deegaanka Shabellé, iyadoo tirada guud ee guryaha la daah-furay ay gaareyso in ka badan 1,000.

Wararka ayaa sheegaya in 520 guri oo saddex qol ah laga dhisay PK13, kuwaas oo loogu talagalay qoysas aan hore u haysan hoy ama dhul sharci ah. Mashruucan waxaa taageero ka geystay dowladda Saudi Arabia.

Dhanka kale, 500 guri oo laba qol ah ayaa laga hirgeliyay deegaanka Shabellé, kuwaas oo lagu fuliyay iskaashi lala yeeshay dowladda China.
Madaxweynaha Djibouti ayaa sheegay in mashruucan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo siyaasadda guriyeynta dalka, isla markaana lagu horumarinayo nolosha shacabka.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Abdoulkader Kamil Mohamed, Wasiirka Guriyeynta Amina Abdi Aden, iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dileita Mohamed Dileita.

Mashruucan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu doonayo in shacabka loo helo guryo casri ah oo la awoodi karo, iyadoo sidoo kale la xoojinayo horumarka magaalooyinka iyo isku xirnaanta bulshada.

1 month ago | [YT] | 115